Kenya iyo Sacuudi Carabiya oo saxiixday heshiis ka dhan ah argagixisada

0
287

Dowladda Kenya iyo boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa qalinka ku wada duugay heshiis ku saabsan sare u qaadidda iskaashigooda ee dhanka ka hor tagga iyo la dagaalanka argagixisada.
Sidoo kale waxay ka wada shaqeyn doonaan la tacaalidda falal dambiyeedyada abaabulan.
Waxaa heshiiskan shalay saxiixay agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Nuurdiin Xaaji iyo xeer ilaaliyaha guud ee Sacuudi Carabiya Sheekh Saud Cabdullah AlMuajeb Al -Shariff oo booqasho ugu yimid madaxa ODPP.
Waxaa xeer ilaaliyaha wehelinayay safiirka Sacuudi Carabiya ku matalo Kenya Ambasadoor Khalid bin Cabdullah Al-Salman.
Intii uu kulanka socday, waxay labada sarkaal si wadajir ah uga hadleen qaabka ay iskaga kaashan karaan in sare loo qaado awoodda lagu maareeyo dembiyada culus iyo ka faa’iidaysiga horumarka tiknolojiyadeed ee kiisaska kala duwan.
Xeer ilaaliyaha guud ee boqortooyada ayaa hoosta ka xarriiqay in labada dhinac ay wadagaan xiriir qoto-dheer oo taariikhi ah.
Agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Nuurdiin Xaaji ayaa dhankiisa sheegay in is-afgaradka ay gaareen uu fulin doono danaha Kenya iyo Sacuudi Carabiya.