Waaxda qaran ee adeegga booliska dalka ee NPS ayaa sheegtay inuu si habsami leh u socdo dhismaha isbitaalka wayn ee ciidanka amniga.
Waxaa shalay mashruucan kormeer ku sameeyay madaxa kaabayaasha ee ciidanka difaaca dalka ee KDF iyo Dr. Lucy Musyoka oo wakiil ka ahayd abaanduulaha ciidamada booliska Hillary Mutyambai.
Dabayaaqadii sanadkii hore ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta dhagax dhigay dhismaha isbitaalkan.
Waxaa uu qorshu yahay marka la dhameeyo in ciidamada booliska ay xaruntan ka helaan daryeel caafimaad oo gaar ah.
Sidoo kale waxaa uu isbitaalku fidin doonaa adeegyo dhanka talasiinta maskaxeed ah si booliska looga qafiifiyo walwalka dhanka shaqada ah.
Yesterday, a team comprising of Chief of Infrastructure from Kenya Defence Forces and Dr. Lucy Musyoka who represented the Inspector General, inspected the ongoing construction of the National Police Service Referral Hospital. pic.twitter.com/alqYRPtTNb
— National Police Service-Kenya (@NPSOfficial_KE) July 21, 2022
professional counseling, trauma healing and psycho-social support to police officers.
— National Police Service-Kenya (@NPSOfficial_KE) July 21, 2022