Agaasimaha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da George Kinoti, ayaa soo gabagabeeyay safar qaatay saddex cisho oo uu ku joogay magaalada Kigali ee caasimadda dalka Rwanda.
Waxaa uu sidoo kale booqday goobta lagu xusuusto xasuuqii Rwanda ee sanadkii 1994-tii ee Kigali Genocide Memorial iyo macbadka Our Lady of Kibeho ee Koonfurta Galbeed ee dalkaasi.
Goobta uu booqday Mr Kinoti ayaa waxaa ku aasan in ka badan 250,000 qof oo ka mid ah ilaa hal milyan oo ruux oo xasuuqa lagu dilay.
Sidoo kale agaasimaha waaxda dambi baarista ayaa la kulmay safiirka Kenya ku matalo dalka Rwanda Ambasadoor Philip Githiora.
Socdaalka mas’uulkan ayaa ahaa mid lagu xoojinaya iskaashiga amni ee Kenya iyo Rwanda.
KINOTI VISITS KIGALI GENOCIDE MEMORIAL BEOFRE LEADING COLLEAGUES IN PRAYER FOR THE COUNTRY AT THE KIBEHO CATHOLIC SHRINE
The Director General of Criminal Investigations George Kinoti, has wrapped up his 3-day security related visit to the republic of Rwanda, pic.twitter.com/sij5hvam8R
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) July 21, 2022
Investigations Bureau Mr Jeannot Ruhunga. In their engagements, the security chiefs agreed to collaborate more in fighting transnational organized crimes in the region, as well as improve the existing information sharing channels, in a series of meetings organized by Rwanda’s
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) July 21, 2022