3 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay waddada Narok-Bomet

0
307

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada saddex ruux halka siddeed kalena ay dhaawacmeen ka dib shil laga soo tabiyay waddada wayn ee isku xirta ismaamullada Narok iyo Bomet.
Ciidamada booliska oo warbixin soo saaray ayaa sheegay in mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda oo siday ugu yaraan 10 qof oo rakaab ah kuna wajahnaa Narok uu darawalku isku dayay inuu ka leexdo mooto ka hor timid.
Hasa ahaate waxaa uu wadaha xakameyn waayay baabuurka taasoo keentay in mataatuuda ay dhowr mar rogmato ugu dambeyna waxay ku dhacday gaari xamuul.
Shilka ayaa galinkii dambe ee shalay ka dhacay aagga loo yaqaano Koitamugul ee ismaamulka Narok.
Booliska ayaa laga soo xigtay in mataatuuda shilka gashay ay leedahay shirkadda Galaxy Sacco.
Saddexda qof ee dhintay ayaa ah haweeney iyo labo rag ah waxayna ku geeriyoodeen isla goobta uu shilku ka dhacay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in wadihii baabuurka xamuulka iyo qof rakaab ah oo la socday ay shilka ka badbaadeen.
Sidoo kale qofkii mootada waday ayaa goobta ka baxsaday.
Siddeedda qof oo ay soo gaareen dhaawacyo culus ayaa la geeyay isbitaalka wayn ee Longisa ee ismaamulka Bomet si loo daaweeyo.
Gaadiidka dadweynaha iyo midka xamuulka ee uu shilku u dhexeyay ayaa loo jiiday saldhigga booliska ee Ololulunga si baaritaan dheeraad ah loo sameeyo.