DHAGEYSO:Golaha imaamyada oo dhallinyarada ugu baaqay ka shaqeynta nabadda

0
371

Golaha ay ku mideysan yihiin imaamyada iyo ducaadda dalka ee CIPK ayaa dhallinyarada ugu baaqay in aan rabshado loo adeegsan xilligan oo ay qiyaastii 19 cisho naga xigto doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Waxaa baaqan soo saaray culimo uu ka mid yahay xoghayaha abaabulka ee golaha CIPK Sheekh Maxamad Khalifa.

Sidoo kale waxay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC iyo guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ka codsadeen inay ka wada shaqeeyaan ka hor tagga hadallada siyaasiyiinta ee kala qaybsanaan ka dhex abuuri karo dadweynaha.