IEBC oo racfaan ka qaadatay amar ka soo baxay maxkamadda sare

0
477

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa gudbiyay dacwad racfaan oo ka dhan ah amar maalmo ka hor uu soo saaray garsoore Anthony Mrima oo ka mid ah xakiinnada maxkamadda sare.
Amarka ayaa ahaa in IEBC ay liiska musharraxiinta madaxweyne ee doorashada guud ku darto Reuben Kigame.
Garsoore Mrima ayaa guddiga IEBC ee xallinta khilaafaadka ku eedeyay inuusan tixgelin baahiyaha gaarka ah ee Kigame marka la eego soo uruurinta saxiixyada codbixiyeyaasha.
Xaakinka ayaa hoosta ka xarriiqay in musharraxa uu dadaalay inta tabartiisa ah maadaama uu ka mid yahay shakhsiyaadka qabo baahiyaha gaarka ah.
Hasa ahaate guddiga doorashooyinka ayaa sheegaya in amarka maxkamadda sare ay ka dhalan karto caqabad dastuuri ah sidaas awgeedna uu maxkamadda racfaanka geeyay dacwad uu fasiraad sharciyeed ku dalbanaya.
Maxkamadda racfaanka ayaa laga soo xigtay in dacwaddan la dhageysan doono berri oo ay taariikhdu tahay 21-ka bishan July.