DHAGEYSO:Raila: Aniga ayaa Uhuru kala hadlay yareynta qiimaha burka

0
589

Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya, Raila Odinga oo isku soo bax siyaasadeed ku qabtay ismaamulka Nakuru ayaa sheegay inuu madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta la hadlay taasoo horseedday in la yareeyo qiimaha burka.
Burka oo horay lagu iibinayay 230 shillin ayay dowladdu shaacisay in qiimo dhimis ka dib lagu iibin doono 100 shilin.
Raila ayaa dhanka kale madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ku eedeyay inuu qorshaha dowladda dhaliilay.

Ruto ayaa xusay in yareynta qiimaha burka ay tahay arrin siyaasadeysan.