Dambiilayaal sixir adeegsanaya si aan loo xirin

0
508

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa qoraal ku sheegtay in qaar ka mid ah shakhsiyaadka gaysta falal dambiyeedyada ay billaabeen inay adeegsadaan sixir iyo waxyaabo quraafaad ah si aan loo xirin.
Waaxdu waxay hoosta ka xarriiqday in iskudaygan looga gol-leeyahay in lagu indha-saabo ciidamada dambi baarista si qofka ay raadinayaan aysan u aqoonsan.
DCI ayaa intaasi ku dartay inay sare u qaaday dabagalka ka dhanka ah kooxaha qaybaha kala duwan ee wadanka ka fuliyay dembiyada abaabulan oo ay burcadnimadu ka midka tahay.
Waaxda waxay qoraalkeeda ku soo gabagabeysay inay adeegsato xog sirdoon oo ku saleysan baaritaan dhanka sayniska ah oo uunan saameyn ku yeelan karin sixir.
Arrintan ayaa timid ka dib markii shaqaale lagu magacaabo Miriam Mwelu oo ku eedeysan in qof ay u shaqeynaysay ay ka xaday 4 milyan oo shilin lagu arkay goob sixiroole.