Isbeheysiga Azimio oo beeniyay inuu yahay mashruuc siyaasadeed

0
331

Ku xigeenka musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja – One Kenya ,Martha Karua ayaa xalay gaashaanka u daruurtay in iyada iyo Raila Odinga ay yihiin mashruuc siyaasadeed oo uu adeegsanaya madaxweyne Uhuru Kenyatta oo muddo xileedkiisu gabagabo yahay.
Waxaa dhaliishan u jeediyay dhigeeda Kenya Kwanza Rigathi Gachagua oo ay dood dhex martay.
Karua ayaa xustay in iyada iyo Raila Odinga ay yihiin mashruuca dadweynaha kenyaanka ah oo ayna isu soo taageen inay xalliyaan dhibaatooyinka wadanka ka jiro.
Martha Karua ayaa sheegtay in lagu soo xushay turxaan bixin uu guddi sameeyay oo sida ay hadalka u dhigtay aan sidii Gachagua gacanta la soo qaban.
Sidoo kale waxay sheegtay in tallaabadii ay sanadkii 2008-dii iskaga casishay maamulkii madaxweyne Mwai Kibaki ay ahayd mid ku saleysan mabd’a shakhsiyeed.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa hadda ah guddoomiyaha golaha isbeheysiga Azimio.
Hasa ahaate Martha Karua oo la weydiiyay in maamulka Raila uu ka madax bannaan doono saameynta Uhuru marka uu xafiiska baneeyo ayaa sheegtay inay ku shaqeynayaan qaab dastuuri ah.