Gachagua iyo Karua oo shaaciyay qiimaha hantida ay leeyihiin

0
600

Ku xigeennada musharraxiinta madaxweyne ee isbeheysiyada Kenya Kwanza iyo Azimio La Umoja ee kala ah Rigathi Gachagua iyo Martha Karua oo xalay dood loo qabtay ayaa shaaciyay qiimaha hantidooda.
Gachagua ayaa sheegay in hantidiisu ay qiimo ahaan tahay 800 oo milyan oo shilin.
Martha Karua ayaa dhankeeda hoosta ka xarriiqday in hantideedu ay tahay 150 milyan oo shilin.
Doodda ayaa lagu qabtay xarunta jaamacadda Catholic University ee bariga Afrika ee magaalada Nairobi.
Gachagua ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeyn ay u jeedisay Karua oo ahayd inuu keydsaday ilaa 5 bilyan oo shilin oo uu qaab khiyaano ah ku helay.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in hantidiisa uu ka helay ganacsi uu muddo dheer ku howlanaa.
Ku xigeenka Ruto ayaa dacaayad ku tilmaamay in akoonkiisa bangiyadeed lagu soo wareejiyay lacag dhan 5 bilyan.
Musharraxiinta siyaasadeed ayaa laga doonaya inay caddeeyaan qiimaha hantidooda si loo xaqiijiyo qaabka ay ku heleen inuu yahay mid ka madax bannaan lunsashada khayraadka dadweynaha.