Madaxweyne ku xigeenka dalka ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza, William Ruto oo wareysi siiyay wakaaladda wararka AFP, ayaa sheegay in Kenya ay tahay dal dimuqraadi ah, islamarkaana doorashada guud ee soo socoto ay noqon doonto mid xor iyo xalaal ah.
Waxaa uu kalsooni buuxda ka muujiyay inuu ku guuleysan doono xilka madaxtinimo ee doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Doorashooyin hore ee ka dhacay Kenya ayaa inta badan la eedayn jiray in lagu shubtay codadka, hasa ahaate William Ruto ayaa ku adkaystay inuu ixtiraamayo natiijada codbixinta ka soo bixi doonto.
“Kenyaaanka ayaa go’aanka ugu dambeeya iska leh, waxaa jirta sheeko qaldan oo ah in doorashada laga shubanayo, aad bay u adagtahay in taasi ay dhacdo” ayuu yiri ku xigeenka madaxweynaha dalka
Madaxweyne ku xigeenka dalka ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza, William Ruto ayaa loolan adag waxaa uu kala dhexeya Raila Odinga, isagoona u hanqal taagaya jagada madaxtinimo ee doorashada bisha dambe dalka ka qabsoomi doonta.
Doorashooyinkii u dambeeyay ee dalka ka dhacay ayaa inta badan waxaa daba socday isku dhacyo rabshado wata iyo eedeymo la xiriira wax isdaba marin.
Codbixintii dalka ka dhacday sanadkii 2007-dii ee lagu murmay ayaa waxaa ay sababtay inay dhacaan rabshado siyaasadeysan taas oo horseeday in in ka badan 1,100 qof ay naftooda kuwaayaan.