Ururka qareenada dalka ee (LSK) oo kaashanaya hay’ado u ololeeya xuquuqul aadanaha ayaa baaritaano ku sameynaya dilalka sharci darrada ee la gaysto iyo shakhsiyaadka la waayo.
LSK ayaa hoosta ka xarriiqday in baaritaannada ay horseedi doonaan in dacwado maxkamadeed lagu soo oogo shakhsiyaadka falalkan ka dambeeya.
Sidoo kale LSK ayaa doonaysa in maxkamadaha ay soo saaraan amarro dowladda ku qasbaya inay magdhow siiso dhiibanayaasha iyo qoysaskooda.
Barnaamijkan ayaa waxaa iska kaashanaya hay’adaha iyo ururrada kala ah International Justice Mission, Missing Voices, Amnesty International iyo Social Justice Working Group.
Waxay la shaqeyn doonaan isku xir la magac baxay Mothers of Victims and Survivors Network .
Madaxa ururka qareenada dalka ee LSK ,Eric Theuri ayaa maanta warfidiyeenka u sheegay in iskaashigan lagu soo afjari doono dilalka lagu eedeyo ciidamada booliska ee dalka.




