Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa liiska musharraxiinta xilka barasaabnimo ee ismaamulka Mombasa ka saaray magaca guddoomiyihii hore ee Nairobi Mike Sonko.
Guddiga ayaa cuskaday go’aan Jimcihii ka soo baxay maxkamadda ugu sarreysa wadanka kaasoo mid sharci ah ku tilmaamay xilka qaadistii Sonko ee bishii Diseembar sanadkii 2020-kii.
Guddiga IEBC ayaa warqad uu u qoray Mike Sonko ugu sheegay in iyadoo lagu saleynaya amarkii maxkamadda laga hor istaagay inuu xafiis dadweyne hoggaamiyo sidaas awgeedna uunan Mombasa ama ismaamul kale ka tartami karin.
Hasa ahaate siyaasigan ayaa maxkamadda geeyay dacwad ka dhan ah guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati iyo sarkaalka guddigan ee Mombasa Swalhah Ibraahim Yuusuf oo uu ku eedeynaya dafiraadda amar maxkamadeed maadaama maxkamadda sare ay horay IEBC ugu amartay in Sonko loo oggolaado ka qayb galka tartanka.




