Kenya iyo Seychelles oo 10 heshiis saxiixday

0
392

Dowladaha Kenya iyo Seychelles ayaa kala saxiixday heshiisyo gaaraya toban oo ay ku xoojinayaan iskaashiga ka dhexeya.
Xiriirka labada dhinac ayaa soo jiray tan iyo markii waddamadan ay qaateen madax bannaanida.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta oo maalin ka hor safar ku tagay Seychelles iyo dhigiisa wadankaasi Wavel Ramkalawan ayaa goobjoog u ahaa heshiisyada qalinka lagu duugay.
Is-afgaradka ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada wadankaasi ee magaalada Victoria.
Heshiisyada ay labada dal gaareen waxaa ugu muhiimsan inay ka wada shaqeeyaan kheyraadka badda iyo si guud faa’iidooyinka dhaqaale ee ilaha biyaha.
Sidoo kale waxay ku heshiiyeen arrimaha nabadda iyo adkeynta amniga badaha.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa warbaahinta u sheegay in isaga iyo Wavel Ramkalawan ay isku afgarteen inay xoogga saaraan sida shacabka labada dal ay uga wada faa’iidi karaan kheyraadka biyaha.
Madaxweynaha Seychelles ayaa dhankiisa bogaadiyay safarka uu Mr. Kenyatta halkaasi ku tagay oo uu ku tilmaamay mid muhiim ah.
Labada dowladood ayaa iska kaashada arrimaha waxbarashada , caafimaadka , ganacsiga , wax soo saarka beeraha iyo duulimaadyada rayidka.
Heshiisyada ay maanta Kenya iyo Seychelles wada gaareen waxaa ka mid ah iskaashi difaac, dalxiis, wax soo saarka beeraha, xoolaha nool, cayaaraha, sinnaanta jinsiyadeed , awoodsiinta dumarka ee dhanka dhaqaalaha iyo iskaashatada.
Waxaa heshiisyada saxiixay wasiiradda arrimaha dibadda ee Kenya Ambassadoor Raychelle Omamo iyo wasiirka arrimaha dibadda iyo dalxiiska ee Seychelles Sylvestre Radegonde.