Xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Winnie Guchu ayaa meesha ka saartay cabsi laga qabo in doorashada guud ka dib uu qalalaase wadanka ka dhaco.
Waxay hoosta ka xarriiqday in ciidamada ammaanka hadda la siinayo tababaro ku saabsan sugidda amniga xilliga doorashada iyo marka laga gudbo ka dib.
Xoghayaha ayaa intaasi ku dartay in la diyaariyay ciidamo ku filan inay adkeeyaan amniga doorashooyinka iyo ka hor tagga dhacdo kasta oo qalalaase horseedi karto.
Waxay dhanka kale dadweynaha ku boorrisay inay nabadgalyada ku dadaalaan oo aynan u dulqaadan kala qaybin siyaasadeed iyadoo xustay in noloshu aynan codeynta guud ku xirnayn.
Baaqan ayay jeedisay xilli ay sabar loogooyin u qaybinaysay dadweynaha ku nool ismaamulka Murang’a.
Home Wararka Kenya Wasaaradda arrimaha gudaha oo beenisay inay rabshado dhici doonaan ka dib doorashada