Qaybo ka mid ah Suudaan oo bandow looga dhawaaqay

0
398

Maamullada dalka Suudaan ayaa ku dhawaaqay bandow habeenkii ah oo ka jiraya labo magaalo oo hoos tago Koonfurta Bari ee gobolka Blue Nile.
Magaalooyinka ayaa u dhow xadka Suudaan ay la wadaagto dalka dariska la ah ee Itoobiya.
Tani ayaa timid ka dib dhowr maalmood oo ay isku dhacyo halkaasi ka socdeen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaal beeleedyada ay ku dhinteen 31 qof halka 39 kalena ay ku dhaawacmeen.
Bayaan uu soo saaray maamulka gobolka Blue Nile ayaa lagu xusay in dagaallada ay Arbacadii ka billowdeen dilka qof beeralay ah in kastoo ciidamada ammaanka ay shakhsiyaad xireen oo ay xaaladda dejiyeen.
Waxaa bayaanka ku cad in 16 dukaamo ah la burburiyay.
Magaalooyinka uu ka dhaqan galay bandowga habeenkii ayaa kala ah Damazin iyo Roseires.