SAWIRRO:Madaxweynaha Soomaaliya oo Kenya safar ku joogo

0
715

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Kenya ku yimid safar qaadanaya saddex cisho.
Waxaa mas’uulkan garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi ku soo dhaweeyay wasiirka wasaaradda beeraha ee dalka Peter Munya
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmi doona dhigiisa Kenya madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa wadahadalladooda dhinacyada badan taabanaya waxay xoogga ku saari doonaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeya labada dal.
Wadahadallada ayaa ah kuwo lagu xoojinaya xiriirka ay wadagaan labada waddan.