Qarax xalay ka dhacay ismaamulka Mandera

0
747

Ciidamada booliska ee dalka ayaa sheegay in saddex qof ay dhaawacyo ka soo gaareen weerar xalay laga soo tabiyay Wargaduud oo ka tirsan ismaamulka Mandera.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhibbanayaasha ay iska dhigeen inay dhinteen ka dib inta aynan baxsan.
Waxay ku dhaawacmeen miinada dhulka lagu aaso ee (IED) oo ku qaraxday baabuur ay ku safrayeen.
Booliska ayaa laga soo xigtay in falka oo ka dhacay inta u dhexeysa Wargadud iyo Takaba looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen Al-Shabaab.
Saddexda qof ee ay dhaawacyado ka soo gaareen lugaha iyo gacmaha oo dhammaantood rag ah ayay da’doodu u dhexeysa 29 ilaa 36 sano .
Booliska ayaa sheegay in qayb ka mid ah baabuurta ay burburtay.
Dhaawaca oo la geeyay isbitaalka Takaba ayay hadda xaaladooda caafimaad soo hagaagaysa.
Waxaa goobtaasi la geeyay ciidamo dheeraad ah si ay amniga u adkeeyaan.