Urur goboleedka IGAD ayaa madaxweynihii hore ee dalka Itoobiya ,Dr Mulatu Teshome u magacaabay inuu noqdo madaxa kooxda dalladdan u qaabilsan kormeeridda doorashada guud ee wadanka ka dhacaysa bisha soo socoto.
Xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD, Dr .Workneh Gebeyehu ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu sheegay inay casumaad ka heleen guddiga IEBC si ay qayb uga noqdaan howlaha kormeerka ee ku aaddan in codeynta ay u dhacdo si xor iyo cadaalad ah.
IGAD ayaa hoosta ka xarriiqday inay ku faraxsan tahay la shaqeynta dadweynaha Kenya, guddiga doorashooyinka, hoggaamiyaasha siyaasadeed iyo kooxaha kormeerka si loo xoojiyo geeddisocodka dimuqraadiyadeed.
Madaxa IGAD ayaa xusay inay sharaf u tahay inay waajibaadkan u xilsaaraan Dr .Mulatu Teshome oo uu ku tilmaamay dibloomaasi qarannimada jecel oo magac leh.
Workneh ayaa kenyaanka u rajeeyay doorasho nabad ah oo lagu guulaysto maareynteeda.