Maxkamadda ugu sarreysa dalka oo go’aaminaysa kiiska Sonko

0
413

Maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ayaa lagu wadaa inay maanta go’aan ka soo saarto dacwad racfaan ah oo uu gudbiyay barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Mike Sonko.
Siyaasigan ayaa ka soo horjeeda tallaabadii ay wakiillada golaha hoose ee Nairobi ay xilka guddoomiyenimo uga xayuubiyeen bishii 12-aad ee sanadkii 2020.
Sonko ayaa dacwaddan geeyay maxkamadda ugu sarreysa ee Kenya ka dib markii maxkamadda sare iyo midda racfaanka ay labaduba ayideen xilka qaadistiisi uu ansaxiyay aqalka sare.
Madaxa diiwaangelinta ee maxkamadda Supreme Court ,Letizia Wachira ayaa wargelin ay soo saartay ku sheegtay in abaare 4-ta galabnimo ee maanta guddi ka kooban 7 garsoorayaal oo ay hoggaaminayso madaxa cadaaladda dalka garsoore Martha Koome uu qaab email ah go’aankiisa ku shaacin doono.
Shalay ayay ahayd markii ay maxkamaddu dhageysatay dhinacyada kala duwan.
Mike Sonko ayaa mar kale sheegay in xilka barasaabka Nairobi laga qaaday iyadoo aan la buuxin shuruudaha dastuuriga ee tallaabadan horseedi kara.
Waxay tani ku soo aadaysa hal maalin un ka dib markii guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC uu Sonko u ansaxiyay u tartamidda xilka guddoomiyaha ismaamulka Mombasa ee doorashada 9-ka bisha Siddeedaad.
IEBC ayaa u hoggaansantay amar ka soo baxay maxkamadda sare ee dalka.