Guddoomiyaha IEBC oo iska fogeeyay eedeyn loo jeediyay

0
521

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ,Wafula Chebukati ayaa sheegay inuusan wax xiriir ah oo ku saabsan doorashada la lahayn senatarka ismaamulka Bungoma ahna madaxa xisbiga Ford Kenya Moses Wetangula.
Dhawaan ayay ahayd markii Wetangula lagu eedeyay inuu xiriir la leeyahay shirkad daabacaysa warqadaha codbixinta.
Chebukati ayaa xusay in cidii hayso caddeyn ku aaddan in isaga iyo Wetangula ay wada shaqeynayaan si natiijada codeynta loo farageliyo inay caddeyntaasi soo bandhigto.
Waxaa uu ku celceliyay in guddiga IEBC uu ka madax bannaan yahay faragelin siyaasadeed.
Chebukati ayaa sheegay in guddi ahaan aynan cid ama maamul gaar ah ka amar qaadan balse ay keliya u hoggaansamaan xeerarka dastuuriga ah.