Guddiga JSC oo soo xushay 7 xaakin oo ku biiraya maxkamadda racfaanka

0
415

Guddiga adeegga garsoorka dalka ee JSC ayaa qiimeyn uu sameeyay ka dib soo xushay magacyada 7 ka mid ah shakhsiyaadkii codsiyada soo dirsaday si ay ugu biiraan maxkamadda racfaanka ee wadanka.
Madaxa cadaaladda ee Kenya garsoore Martha Koome ayaa arrintan shaaca uga qaaday bayaan ay soo saartay.
Koome ayaa hoosta ka xarriiqday in qiimeynta oo ahayd mid qoto dheer lagu saleeyay sida shakhsiyaadka la turxaan bixinayay ay u buuxiyeen xeerarka dastuuriga ee laga doonayo.
JSC ayaa sheegtay inay tixgelisay waxqabadka , aqoonta iyo khibradda qofka , isku dheeli tirka jinsiyadeed , mataaladda gobol iyo danta guud.
Garsoorayaasha magacyadooda loo gudbiyay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta si uu u magacaabo ayaa kala ah Kimaru Luka Kiprotich, Gachoka Paul Mwaniki, Achode Lydia Awino, Ochieng’ Frederick Andago, Mativo John Mutinga, Ngenye Grace Wangui iyo Aroni Abida Cali.
Guddiga adeegga waaxda garsoorka ee dalka ayaa markii hore 31 magac ka soo xushay 68 codsiyo ah oo la soo dirsada ka hor inta uunan liiskaasi sii kala saarin.