Ku xigeenka madaxweynaha dalka ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza William Ruto ayaa sheegay in kenyaanka ay aad uga careysan yihiin xaaladda wadanka uu ku jiro.
Waxaa uu xusay in malaayin dhallinyaro oo Kenyaan ah ay shaqo la’aan yihiin, sidoo kalena qoysas badan ay macluul halis ugu jiraan.
William Ruto ayaa sheegay in dowladda aynan mudnaanta siinin dadka danyarta ah ee dhibaatooyinka u nugul.
Waxaa uu dhanka kale iska fogeeyay eedeyn uga timid isbeheysiga Azimio La Umoja ee ah in uu dadweynaha weydiisanaya codad iyadoo ay ka muuqato carro iyo dulqaad la’aan.
Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza William Ruto ayaa shalay oo kaliya ololihiisa siyaasadeed geeyay 5 ismaamul oo ka tirsan gobollada Galbeedka iyo Nyanza ee dalka.