Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa sheegay in ay u hoggaansamayaan amarka maxkamadda sare ee dalka ee ah in barasaabkii hore ee Nairobi Mike Sonko loo oggolaado inuu 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan uu u tartamo jagada guddoomiyaha dowlad deegaanka Mombasa.
Guddoomiyaha guddiga IEBC Wafula Chebukati oo ka hadlay wareysi uu siiyay qaar ka mid ah warbaahinnada ka howlgala dalka, ayuu sheegay in aysan racfaan ka qaadan doonin go’aanka ka soo baxay maxkamadda sare ee laanteeda ismaamulka Mombasa.
Waxaa uu tilmaamay in doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan ay ka harsan tahay 25 cisho oo kaliya, islamarkaana guddiga uu haatan diiradda saarayo sidii loo dhameystiri lahaa daabacaadda warqadaha codbixinta.
Dhanka kale Mike Sonko oo doonaya inuu xilka guddoomiyaha ismaamuka Mombasa u tartamo ayaa lagu wadaa in maanta uu waraaqihiisa magacaabista u gudbiyo guddiga IEBC qaybteeda dowlad deegaankaasi.
Shalay ayay ahayd markii maxkamadda sare ee dalka ay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ku amartay in Mike Sonko u oggolaado inuu 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan u tartamo jagada guddoomiyaha dowlad deegaanka Mombasa.
Guddiga doorashooyinka ee dalka ayaa tallaabada uu Sonko ugu diiday inuu tartamo u aaneeyay in sanadkii 2020-kii ay xil ka qaadis ku sameeyeen golaha wakiillada ee ismaamulka Nairobi ka dib markii lagu eedeyay musuqmaasuq iyo ku takriifal awoodeed.