Xoolo dhaqatada oo loogu baaqay in ay adeegsadaan siyaabo ka badbaadinaya saameynta cimillada

0
467

Xoolo dhaqatada dalka gaar ahaan kuwa ku nool ismaamulka Kajiado ayaa lagula taliyay in ay sameyaan wax kasta oo u suurtagelinaya in aynan u nuglaan saameynta ka dhalato isbeddelka ku yimaado cimillada.
Waxaa loo soo jeediyay in ay isticmaalaan hababka casriga ah ee xoolo dhaqashada si ay sare ugu qaadaan wax soo saarka.
Sarkaalka ugu sarreeya wasaaradda xoolaha ee ismaamulka Kajiado Leakey Ritei ayaa sheegay in isbeddelka cimillada uu sabababy in aan dhaqaale ahaan lagu tiirsanaan karin xoolaha.
Mas’uulkan ayaa carrabka ku adkeeyay in siyaabo ay horay u adeegsan jireen xoolo dhaqatada iyo beeralayda aynan noqon kuwo miro -dhal ah sidaas awgeedna la doonayo in nidaamyo kale lala yimaado.
Sarkaalkan ayaa xusay in ugu yaraan boqolkiiba 90 ee shacabka Kajiado ay noolol ahaan ku tiirsan yihiin dhaqashada xoolaha.