Waxaa lagu soo warramayaa in dibadbaxayaal ay tageen xarunta xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Sri Lanka Ranil Wickremesinghe iyagoo dalbanaya inuu xafiiska banneeyo.
Booliska ayaa horay dibadbaxayaasha ugu kala eryay sunta dadka ka ilmeysiisa in kastoo aan la soo tabin wax iskudhac ah oo u dhexeeya labada dhinac.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dalkaasi looga dhawaaqay xaalad degdeg ah iyo bandow ka dib markii uu iskaga baxay madaxweyne Gotabaya Rajapaksa.
Rajapaksa ayaa dalkaasi ka dhoofay saacado un ka hor xilligii la qorsheeyay inuu is casilo.
Bayaan ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Sri Lanka ayaa lagu xaqiijiyay in Gotabaya Rajapaksa oo 73 sano jir ah uu u ambabaxay wadanka Maldives.
Amarka la xiriira xaaladda degdegga waxaa ku dhawaaqay ra’iisul wasaare Ranil Wickremesinghe.
Guddoomiyaha baarlamaanka Mahinda Yapa ayaa sheegay in madaxweyne Rajapaksa uu hoggaamiye ku meel gaar ah u magacaabay Wickremesinghe.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in boqolaal dibadbaxayaal ah ay weli ku sugan yihiin hooyga rasmiga ee madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo ay labaduba gudaha u galeen Sabtidii.
Waxay dadku dalbanayaan in mas’uuliyiintan ay xafiisyada banneeyaan maadaama aysan wax ka qaban gaabad dhanka shidaalka ah iyo dhaqaale xumo aad u sarreysa.
Dhanka kale hoggaamiye ka tirsan mucaaradka dalka Maldives oo lagu magacaabo Dunya Maumoon ayaa walaac ka muujisay in madaxweynaha Sri Lanka halkaasi lagu qaabilay.