Shirkadda darasaadka ee Infotrak ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza ,William Ruto uu taageero badan ku leeyahay gobolka bartamaha wadanka.
Cilmi baarista waxaa ku cad in shacabka ku nool ilaa 11 ismaamul ay 9-ka bisha Siddeedaad hoggaanka wadanka ugu codeyn doonaan Ruto.
Madaxa fulinta ee shirkadda Infotrak ,Angela Ambitho ayaa laga soo xigtay in laga soo billaabo bishii Lixaad ilaa iyo hadda , taageerada siyaasadeed ee Ruto ee gobolka bartamaha ay korortay boqolkiiba 3 halka midda Raila ay hoos u dhacday boqolkiiba 3.
Hasa ahaate guud ahaan wadanka waxaa boqolkiiba 43 caan ka ah musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya ,Raila Odinga.