Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Eugene Wamalwa ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal uu jeediyay madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Ruto ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Bungoma sheegay inuu Wamalwa sanadkii 2015-kii u magacaabay ka mid ahaanshaha golaha wasiirrada ee dalka.
Hasa ahaate Eugene ayaa taasi gaashaanka u daruuray isagoo carrabka ku adkeeyay in fursadda wasiirnimo uu ka helay madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Waxaa uu intaasi ku daray in madaxweyne ku xigeenka wadanka uu ka soo horjeeday magacaabidda Wamalwa oo xita uunan ka qayb gelin xafladdii lagu dhaarinayay.
Sidoo kale wasiirka difacaa ayaa ku andacoonaya in Ruto uu sanadkii 2018-kii doonayay inuu xilka ka qaado.