Shirkadda biyaha iyo maareynta bullaacadaha ee caasimadda dalka ayaa sheegtay in qaybo ka mid ah ismaamulka Nairobi aan muddo 18 saacadood gudaheeda laga heli doonin adeegga biyaha.
Waxaa caqabaddan ay sidoo kale saameyn doonto deegaanno u dhow Nairobi.
Bayaan uu soo saaray agaasimaha guud ee shirkaddan, Nahason Muguna ayaa arrintan u aaneeyay dayactirka xarunta biyaha lagu sifeeyo ee Ngethu ee ismaamulka Kiambu oo ay cillad ku timid.
Waxaa sidoo kale dayactir lagu sameyn doona sida uu qorshushu ahaa xarunta dhexe biyaha gudbiso ee Ngethu Gigiri.
Xarunta Ngethu oo ku taalla dowlad deegaanka Kiambu ayaa ah meesha ugu wayn biyaha u qaybisa dowlad deegaanka Nairobi.
Biya la’aanta ayaa jiri doonto inta u dhexeysa 6-da subaxnimo ee maalinka berri oo khamiis ah ilaa iyo saqda dhexe habeenimo ee Jimcada.
Meelaha ay dhibaatadan saameyn doonto waxaa ka mid ah bartamaha magaalada , xarunta ugu wayn ee jaamacadda Nairobi , warshadda Coca-Cola, garoonka diyaaradaha ee JKIA , xarunta EPZ ee degmada Athi River, , guud ahaan aaga warshadda Industrial Area , xaafadaha u dhow waddada Juja Road, waddooyinka Thika, Limuru, Naivasha iyo waddada Kikuyu.
Shirkadda biyaha iyo maareynta bullaacadaha ee ismaamulka Nairobi ayaa sidoo kale sheegtay in aysan biyo heli doonin dadka ku nool xaafadaha Langata road, Karen, Kayole, Waiyaki Way, Riverside, Westlands, Embakasi, Parklands, Ngara, Lavington, Kileleshwa, Kilimani, Islii iyo Komorok Estate.
Waxaa ay dadweynaha goobaha ay cilladu saameyn doonto ku boorrisay inay si taxadar leh u isticmaalaan biyaha inta lagu guda jiro muddada dayactirka.