Hindisaha BBI oo berri baarlamaanka la hor geynaya

0
498

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Mr. Justin Muturi ayaa amray in hindise sharciyeedka BBI ee laga ansaxiyay in badan oo ka mid ah ismaamullada wadanka berri loo soo bandhigo golaha qaran ee xeer dejinta.
Waxaa uu sheegay in qoraalkan baarlamaanka laga hor akhrin doono markii koowaad.
Karaaniga baarlamaanka Mr. Michael Sialai, ayaa isna lagu amray in si degdeg ah uu nuqullo kaga soo saaro dokumeentiga guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo shalay ismaamulka Elgeyo Marakwet uu noqday dowlad deegaankii saddexaad ee laga diiday ansaxinta qorshaha sharci beddelka .
Waxaa Elgeyo Marakwet ka sii horreeyay oo tallaabadan mid la mid ah qaaday wakiillada golayaasha hoose ee ismaamullada Nandi iyo Baringo.
Ilaa iyo hadda geeddisocodka ku aaddan in wadanka ay bisha lixaad ee sanadkan ka dhacdo afti lagu beddelaya qaar ka mid ah qodobbada dastuurka Kenya ayaa laga ansaxiyay 43 dowlad deegaan oo ay ugu dambeysay Mandera.
Wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Uasin Gishu ayaan weli ka doodin hindise sharciyeedka BBI.
Dastuurka dalka waxaa ku cad in loo baahan yahay in qorshaha lagu beddelaya xeerarka degsan uu taageero ka helo ugu yaraan 24 ka mid ah 47-da ismaamul ee ay Kenya ka kooban tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here