Shacabka oo lagu boorriyay inay doortaan siyaasiyiin musuqmaasuq ka hufan

0
393

Guddoomiyaha guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ,Eliud Wabukala ayaa dadweynaha ku boorriyay inay xilliga doorashada guud u codeyaan siyaasiyiin aan ku lug lahayn falalka musuqmaasuqa.
Baaqan ayuu soo saaray xilli maanta xarunta jaamacadda Strathmore University ee magaaladatani Nairobi loogu dabbaal degay maalinta Afrika ee la dagaalanka musuqa.
Wabukala ayaa sheegay inay qasab tahay in la soo afjaro hoggaamiyaasha musuqmaasuqa sameeya ee xilalka hoggaanka loo dooranaya.
Xuskan ayaa imaanaya wax ka yar hal bil ka hor inta aan la qaban doorashada guud ee sanadkan.
Jackson Ole Sapit oo ka mid ah baadariyaasha dalka ayaa dhankiisa sheegay in sida uu qaran ku burburo ay tahay marka ay madaxdu caadeystaan inay khalad sameyaan oo muwaadiniintana ay fursad joogto ah siiyaan shakhsiyaadka ku takriifalo hantida dadweynaha.
Agaasimaha fulinta ee shirkadda Transparency International laanteeda Kenya Sheilla Masinde ayaa ku talisay in 9-ka bisha Siddeedaad aan loo codeyn musharrax kasta oo magaciisu uu ku jiro liis gaaraya 241 oo ay horay u soo saartay EACC.
Dabbaal degga maalinta la dagaalanka musuqmaasuqa ee qaaradda Afrika ayaa waxaa aad looga hadlay muhiimadda ay leedahay in codbixiyeyaasha aynan xil hoggaan u dooran qof horay loola xiriiriyay ku takhriifal maaliyadeed.