Safiirrada Ingiriiska iyo Midowga Yurub oo ka hadlay doorashada guud

0
350

Wakiillada Ingiriiska iyo Midowga Yurub ku matalo dalkani Kenya ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan ka dhacaysa wadanka ay noqon doonto mid nabad ah oo natiijada ka soo baxdo lagu kalsoon yahay.
Danjiraha UK ee dalka Jane Marriot ayaa sheegtay in dowladeeda ay rajeynayso in Kenya ay ka jiri doonto xasilooni buuxda iyo horumar.
Sidoo kale waxay sheegtay inay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqyada siyaasiyiinta oo ayna qasab tahay in dadka colaadaha huriya lala xisaabtamo.
Waxay intaasi ku dartay in boqortooyada Ingiriiska ay dhexdhexaad ka tahay loolanka madaxtinnimo.
Safiirka Midowga Yurub ee dalka Henriette Geiger ayaa dhankeeda tilmaantay in loo baahan yahay in guddiga IEBC fursad loo siiyo gudashada waajibaadkiisa dastuuriga iyadoo aan la faragelin ama caqabad lagu noqon.