Waxaa abaare saqdii dhexe ee xalay gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi laga soo dejiyay qaybtii ugu horreysay ee talaalka lagula tacaalaya cudurka COVID-19.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe oo warbaahinta xalay la hadlay ayaa sheegay in wadanka la soo gaarsiiyay 1.02 milyan xirmo oo ah nooca talaalka ee Oxford-AstraZeneca.
Mr. Kagwe ayaa hoosta ka xarriiqay in tani ay sare u qaadayso dagaalka ay dowladdu kula jiro cudurka.
Wasiirka ayaa horay u sheegay in talaalka ka dhanka ah caabuqa corona ee wadanka la keenaya loo mari doono marxalado kala duwan.
Wuxuu sidoo kale xusay in mudnaanta koowaad ee talaal bixinta la siin doono saraakiisha caafimaadka , macallimiinta, ciidamada ammaanka iyo shakhsiyaadka dhibaatooyinka u nugul.
Waxaa uu Mutahi Kagwe ku celceliyay in dowladdu ay dejisay qorsho iyo jadwal faahfaahsan oo ku saabsan qaybinta talaalka ka dhanka ah COVID-19 .
Mr. Kagwe ayaa dhanka kale sheegay in ilaa iyo hadda aynan jirin shirkad khaas ah ama shakhsi talaalka COVID-19 keenaya dalka maadaama shirkadaha daawooyinkan soo saaro ay fursadda koowaad siinayaan dowladaha.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in tirada kiisaska ee kordhay ay muujinayso in bulshada dhexdeeda uu cudurku ku faafaya.