DHAGEYSO:Raila oo maanta isku soo bax siyaasadeed ku qabanaya Taita Taveta

0
371

Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya , Raila Odinga ayaa maanta dib ugu laabanaya gobolka Xeebta.
Raila oo shalay ku sugnaa dowlad deegaanka Narok ayuu qorshuhu yahay inuu maanta isku soo bax ku qabto ismaamulka Taita Taveta si shacabka halkaasi ku nool uu uga codsado inay codkooda ku taageeraan 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Waxaa uu dhanka kale sheegay in guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC uu u xaqiijiyay in diiwaanka caadiga ah ee codbixiyeyaasha lagu diyaarin doono goobaha codbixinta.
Tani ayaa fududeyn doonto in macluumaadka qofka codbixiyaha ah la aqoonsado haddii qaabka elektorniga ee KIEMS uu shaqeyn waayo.

Xoghayaha isbeheysiga Azimio ahna xildhibaanka bariga Suna ee ismaamulka Migori Junet Maxamad ayaa sheegay inay ku qanceen arrintan.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii madaxa xisbiga ODM Raila Odinga uu wacad ku maray in haddii aan shardigan la buuxin aynan Kenya doorasho guud ka dhici doonin.
Hasa ahaate waxaa uu hoosta ka xarriiqay in qodobkii ay walaaca ka muujinayeen laga sal gaaray.
Dhanka kale mid ka mid ah siyaasiyiinta ismaamulka Taita Taveta ayaa xusay inay rajeynayaan in Mr. Odinga uu caddeeyo qaabka haddii hoggaanka wadanka loo doorto maamulkiisa uu ku xallin doono khilaafka u dhexeya duurjoogta iyo aadanaha.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay inay codsanayaan in boqolkiiba 30 ee dakhliga ka soo xaroodo seeraha halkaasi ku yaalla in dib loogu celiyo ismaamulkaasi iyo in boqolkiiba 30 ee shaqooyinka ka bannaan meelaha duurjoogta lagu xanaaneeyo in la siiyo dadka dowlad deegaankaasi ka soo jeeda.