DHAGEYSO:Sakaja iyo Igathe oo xalay eedeymo hawada isku mariyay

0
425

Musharraxiinta ugu cadcad xilka barasaabnimo ee ismaamulka Nairobi ee kala ah Johnson Sakaja iyo Polycarp Igathe ayaa xalay eedeymo hawada isku mariyay xilli ay ka qayb qaleen dood loo wada qabtay.
Sakaja ayaa hoosta ka xarriiqay in musharraxnimada Igathe ay ka dambeeyaan shakhsiyaad uunan si toos ah u magacdhawin balse doonayay in isaga laga hor istaago u tartamidda jagada guddoomiyaha Nairobi iyadoo qiil laga dhigaya inuusan haysan shahaado jaamacadeed.
Waxaa uu mar kale difaacay aqoontiisa jaamacadeed isagoo xusay in dhammaan guddiyada ay arrintan khuseyso ee dalka iyo wadanka Uganda uu ansaxin ka helay.
Sidoo kale mar la weydiiyay su’aal ahayd tallaabada xigta ee uu qaadi doono haddii ay maxkamaddu waxba kama jiraan ka soo qaado guushiisa mustaqbalka ayuu Sakaja ku jawaabay.

Waxaa uu musharraxa la tartamaya ee Polycarp Igathe ku eedeyay inuu yahay mashruuc siyaasadeed oo ay dowladdu wadato oo xita ololihiisa la maalgelinaya.
Hasa ahaate Igathe ayaa eedeyntaasi gaashaanka u daruuray oo sheegay inuu isku qarash geliyo dhaqaalihiisa iyo taageerada saaxiibada.
Sakaja ayaa sidatan u difaacay waxqabadkiisa senatarnimo iyo sida uu u kormeeray adeegsiga lacagaha dowladda hoose ee Nairobi.