26 qof oo ilaa iyo hadda ku dhintay weerarkii Ruushka ee Donetsk

0
380

Waxaa sare u sii kacay khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerar ay ciidamada Ruushka oo gantaallo adeegsanaya ay ku bartilmaameedsadeen dhisme la deggan yahay oo ka kooban shan dabaq.
Weerarka ayaa laga fuliyay magaalada Chasiv Yar ee ku taalla gobolka bari ee Donetsk ee dalka Ukraine.
Ugu yaraan 26 qof ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay falkaasi ku nafwaayeen.
Kororka ku yimid tirada dhimashada ayaa waxaa laga soo xigtay waaxda ka falcelisa xaaladaha degdegga ah ee dalkaasi.
Waaxda ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda sagaal qof laga soo samatabixiyay burburka dhismaha.
Waxaa weli socdo howlaha samatabixinta iyadoo la rumeysan yahay in 24 qof ay weli ku soo xanniban yihiin dhismaha la bartilmaameedsaday.