DHAGEYSO:Guddoomiyaha rugta ganacsiga Wajeer oo ka hadlay dabkii suuq Mjinga

0
447

Guddoomiyaha rugta ganacsiga ee ismaamulka Wajeer Cabdiraxmaan Maxamad Cabdille oo ku magacdheer Cabdiraxmaan Cayuun oo ka hadlay dabkii habeen ka hor qabsaday suuqa suuq Mjinga ee magaalada Wajeer ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dhacdadaasi isagoo ku baaqay in loo gargaaro ganacsatada ay waxyeelladu soo gaartay.
Waxaa uu dhanka kale dowladda hoose ee ismaamulka Wajeer ugu baaqay inay suuqa nidaamiso oo ay ganacsatada ay goobtaasi ciriiriga ku tahay u wareejiso meel kale oo u dhaanta oo ay ku ganacsan karaan.

Dabka oo sida ay ganacsatadu sheegeen bilowday xilli dambe oo habeen ah, ayaanan la ogeyn waxa dhabta ee sababay in kastoo dadka qaar ay cillad koronto u aaneynayaan.
Suuqa oo ka kooban laba qeybood oo kala ah Khudaarta iyo Dharka, ayay waxyeeladu ku badan tahay dhanka Dharka.
Lama qiyaasi karo baaxadda khasaaraha uu geystay dabka, maadaama dhinacyada uu waxyeellada u geystay ay aad u ballaaran yihiin.
Dhanka kale xildhibaanka bariga Wajeer Rashid Qaasim oo warbaahinta kula hadlay goobta uu suuqa ka gubanayay ayaa ugu baaqay dowladda ismaamulka, midda dhexe iyo siyaasiyiinta xil doonka ah inay u soo gurmadaan dadka ay waxyeeladu soo gaartay.