Musharraxiinta xilka barasaabnimo ee Nairobi oo caawa dood loo qabanaya

0
286

Waxaa laga billaabo 6-da maqribnimo ee maanta dood loo qaban doonaa siyaasiyiinta u tartamaya xilka guddoomiyaha caasimadda wadanka ee Nairobi.
Dadweynaha ku nool ismaamulka Nairobi ayaa haystay ilaa saqdii dhexe ee habeenkii Sabtida si ay u gudbiyaan su’aalaha ay doonayaan inay musharraxiinta uga jawaabaan.
Qabanqaabada doodda ayaa waxaa iska kaashanaya milkiilayaasha shirkadaha warbaahineed ee dalka ee (MoA),golaha warbaahinta dalka ee (MCK) iyo dalladda tifaftirayaasha Kenya ee (KEG).
Qaybta ugu horreysa ee doodda oo soconaysa inta u dhexeya 6-da maqribnimo ilaa 7:30 fiidnimo ayaa dhex mari doonto musharraxiinta haysta taageero ka hooseysa boqolkiiba shan.
Wareegga labaad ee doodda ayaa la qaban doonaa 8-da ilaa 9.30 fiidnimo waxayna dhex maraysa musharraxiinta sida ay caan u yihiin ay ka sarreyso boqolkiiba 5.
Taageerada ayaa ah mid lagu saleeyay ilaa saddex ra’yi uruurin oo ay sameyeen shirkadaha darasaadka.