DHAGEYSO:Darasaad lagu ogaaday in Raila Odinga uu ugu taageero badan yahay Kenya

0
540

Darasaad ay sameysay shirkadda TIFA ayaa lagu ogaaday in musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja -One Kenya ,Raila Odinga uu yahay musharraxa ugu taageerada badan guud ahaan dalka, islamarkaana haddii maanta doorashada la qaban lahaa uu ku guuleysan lahaa hoggaanka ugu sarreeya ee dalka.
Cilmi baarista maanta la soo bandhigay waxaa ku cad in boqolkiiba 42 ee dadweynaha ku nool Kenya ay la dhacsan yihiin siyaasadda Odinga oo ay doonayaan inuu noqdo madaxweynaha xiga ee dalka halka boqolkiiba 39 ay taageersan yihiin madaxweyne ku xigeenka wadanka ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza William Ruto .
Musharraxa madaxweyne ee xisbiga Roots Party, George Wajackoyah ayaa taageeradiisa lagu sheegay boqolkiiiba 10 halka dhigiisa xisbiga Agano Party, David Waihiga Mwaure uu ku guuldareystay in sahankan uu taageero badan ka helo.
Madaxa darasaadka ee shirkaddan Tom Wolf ayaa sheegay in taageerayaasha Raila ay boqolkiiba 90 ku qanacsan yihiin in ku xigeenkiisa uu u xushay Martha Karua halka Ruto ay taageerayaashiisa boqolkiiba 67 ku qanacsan yihiin inuu ku xigeen ka dhigtay xildhibaanka deegaanka Mathira ee ismaamulka Nyeri Rigathi Gachagua.
Sahanka ayaa sidoo kale lagu sheegay farqiga jinsiga, iyadoo taageerayaasha Raila ee labka ay yihiin 47 boqolkiiba halka dhediga lagu sheegay 37% guud ahaan dalka.
TIFA ayaa ogaatay in taageerada Ruto ee dhanka jinsiyada ee ragga ay tahay boqolkiiba 40 halka 38% loo aqoonsaday inay dumar yihiin.
Marka la eego taageerada xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira, cilmi baarista ayaa lagu sheegay in xisbiga UDA ee uu hoggaamiyo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto uu weli yahay mid ugu caansan Kenya isagoo taageeradiisa lagu sheegay 33 boqolkiiba, halka ODM ay tahay 26%.
Darasaadka TIFA waxaa ku xusan in boqolkiiba 10 ee dadweynaha la wareystay aynan weli go’aansan cidda ay siinayaan codkooda ku aaddan qabashada hoggaanka ugu sarreeya wadanka, halka 5% ay ka aamuseen
Tom Wolf ayaa xusay in farqiga u dhexeya taageerada Raila iyo Ruto uunan aad u waynayn sidaas awgeedna ay micnaheedu tahay inay codadka shacabka Kenya si baaxad leh ugu tartami doonaan.
Darasaadka shirkadda TIFA ayaa la sameeyay intii u dhexeysay 25 ilaa 30-kii bishii hore ee June.
Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka dalka ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza William Ruto ayaa xilli uu maanta ku sugnaa ismaamulka Kakamega uu waxba kama jiraan ku tilmaamay natiijada cilmi baarista ay sameysay shirkadda darasaadka ee TIFA.
Warbixinta oo maanta la soo bandhigay ayay shirkaddu ku sheegtay in Ruto uu Raila uga dambeeyo dhanka taageerada siyaasadeed ee ku aaddan qabashada hoggaanka wadanka.