Xildhibaan saadaaliyay in Raila uu gobolka bartamaha ka heli doono boqolkiiba 50 ee codadka

0
495

Xildhibaanka deegaanka Kieni ee ismaamulka Nyeri sidoo kalena ah agaasimaha doorashooyinka ee xisbiga Jubilee Kanini Kega ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio la Umoja- One Kenya ,Raila Odinga uu gobolka bartamaha dalka ka heli doono in ka badan boqolkiiba 50 ee codadka laga dhiiban doono doorashada guud.
Kega ayaa hoosta ka xarriiqay in Raila iyo ku xigeenkiisa Martha Karua ay toddobaadkii ugu dambeeyay taageero badan ka heleen bartamaha wadanka oo ay socdaallo ku mareen.
Waxaa uu qorshuhu yahay in 9-ka bisha soo socoto ee August ay Kenya ka dhacdo doorasho guud.
Ismaamullada bartamaha dalka ayaa waxaa ka diiwaangashan 5.7 milyan oo codbixiyeyaal ah.
Tirada guud ee dadweynaha isku diiwaangeliyay ka qayb qaadashada doorashada ayaa ah 22.1 milyan oo qof.