Xeryaha qaxootiga ee Dadaab waxaa maalin kasta imaanaya qaxooti cusub oo ka soo qaxay abaaraha ka jira qeybo ka mid ah Soomaaliya.
Qaar ka mid ah dadkan ayaa muddo dheer waddada ku soo jiray iyagoo soo lugeeyay.
Maxamad Baaruud Xuseen ayaa la kulmay mid ka mid ah qoysaskii dhawaan soo galay xeryaha oo aan wali hay’adaha gargaarka aan la kulmin wareysigan ayuuna la yeeshay.