Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Wadahadallo laga bilaabayo Myanmar

Wadahadallo laga bilaabayo Myanmar

Ururka ay bahoobeen wadamada ku yaalla koonfuur bari ee qaaradda Aasiya ee magacoodu loo soo gaabiyo ASEAN ayaa isku diyaarinayaa in wadahadallo wax tar leh ay la yeeshaan ciidamada militeriga ee dalka Myanmar.
Tani ayaa ku soo aadeyso iyada oo ay mudaaharadayaasha dalkaas ee ka soo horjeeda afgambiga militriga ay ku soo laabteen waddooyiinka magaalada Yangon iyagoona iska indhatiraya hanjabadyada uga imaanaya sarkaalka ugu sarreeya dalkaas ee Min Aung Hlaing.
Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Singapore Vivian Balakrishnan, oo wareysi bixiyaay ayaa sheegay in Ururka Koonfurta Bari ee Aasiya ay militariga u sheegi doonaan in ay ka argagaxeen rabshadaha ka socda Myanmar ayna wataan baaq ku aadan sii deeynta hoggaamiyaha la doortay ee dalkaasi, Aung San Suu Kyi iyo in labada dhinac ay wada hadlaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments