DHAGEYSO:In ka badan 100,000 oo boolis ah oo sugi doono amniga doorashooyinka

0
509

Iyadoo 29-ka cisho ay naga xigto doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ka dhici doonto dalkani Kenya ayay wasaaradda arrimaha gudaha xaqiijisay in si wayn loo sugi doono ammaanka.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Karanja Kibicho ayaa sheegay in la howlgelinaya ugu yaraan 100,000 oo ciidamada booliska ka mid ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in marka la eego sida dowladdu ay ugu diyaar garowday xaqiijinta amniga doorashooyinka aynan rajeynayn in qayb ka mid ah wadanka ay rabshado ka dhacaan.