Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Justin Muturi ayaa xubnaha baarlamaanka isugu yeeray kal-fadhiyo gaar ah oo qabsoomaya Arbacada taariikhduna ay ku beegan tahay 13-ka bishan Toddobaad.
Go’aankan ayuu Muturi qaatay ka dib codsi uga yimid hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Amos Kimunya oo fulinaya amar madaxweyne.
Kulanka ugu horreya ee baarlamaanka ayaa furmaya abaare 10-ka barqanimo ee Arbacada halka midka labaad la qorsheeyay 2:30 galabnimo ee isla maalinkaasi.
Sida laga soo xigtay Muturi , madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa maalintaasi xeer dejiyaasha la wadaagi doono farriin lagu tilmaamay mid degdeg ah.
Sidoo kale guddiga miisaaniyadda ee baarlamaanka ayaa la filaya inuu Arbacada soo bandhigo warbixin ku saabsan hindise sharciyeed maaliyad dheeraad ah loo qoondeynaya ismaamullada.
Guddiga difaaca iyo xiriirka dibadda ayaa laga sugaya inuu tixgeliyo mooshin lagu ansaxinayo heshiis iskaashi oo dhanka gaashaandhigga ah oo u dhexeya dowladaha Kenya , Ingiriiska iyo Waqooyiga Ireland.