Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa maxkamadda geeyay dacwad uu ku doonayo in maalgashato gaar ah iyo saraakiil dowladeed laga hor istaago inay la wareegaan dhul ku yaalla magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru.
Dokumeentiyada maxkamadda ayaa muujinaya in dhulkan uu yahay ilaa 400 oo eekar qiimihiisuna uu yahay 78 milyan oo shilin.
Guddiga ayaa qoraal ku sheegay in madaxii hore ee arrimaha dhulalka Wilson Gachanja uu maalgashatada ka caawiyay inay dhulkan la wareegaan.
EACC ayaa maxkamadda u sheegtay in dhulkan loogu talagalay in laga dhiso xarun darasaad ku sameysa xoolaha dalka.
Waxaa dhulka bixisay hay’adda cilmi baarista beeraha iyo xoolaha nool ee la dhaqdo ee dalka oo magaceedu loo soo gaabiyo KALRO.
Qoraalka EACC waxaa ku cad in dhulkan ay dowladdu bixisay sanadkii 1904-tii hasa ahaate dhismooyin laga dhisay la dumiyay si loola wareego.
Guddiga ayaa sidoo kale xusay in dacwad kale uu hor geeyay maxkamadda magaalada Karbanet si uu dib ula wareego dhul dadweyne oo uu qiimihiisu yahay 18 milyan oo shilin kaasoo laga dhacay waaxda guriyeynta iyo deegaameynta ee magaalada Kabarnet.
Sammy Mwaita oo isna horay u soo hoggaamiyay waaxda arrimaha dhulalka ayaa ka mid ah shakhsiyaadka howshan fududeeyay ee la maxkamadeynaya.