Bulshada muslimiinta ee ku nool daafaha caalamka ayaa maanta u dabaal deggaya maalinka koobaad ee munaasabadda Ciidda Carrafo ee loo yaqaano ciidul Adxaa.
Sido kale waxaa isa soo taraya farriimada hambalyada ah ee ay dirayaan mas’uuliyiinta dalka.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza William Ruto, musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga iyo xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale ayaa si iskumid ah ugu hambalyeeyay muslimiinta ku nool gudaha wadanka.
Sido kale muslimiinta ayaa loogu baaqay inay xasuustaan dadka danyarta ah ee ku dhex nool oo ayna farxadda la qaybsadaan.