Golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada wadanka ee CoG ayaa warqad u qoray madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Waxay dalbanayaan in dowladda dhexe ay si degdeg ah u soo saarto lacagihii bishii Lixaad ee ismaamullada.
Guddoomiyaha golaha CoG ahna barasaabka Embu ,Martin Wambora ayaa sheegay in dib u dhaca la xiriira maaliyadda uu carqaladeeyay in sida habboon loo fuliyo waajibaadka dowlad deegaannada taasoo caqabad ku noqotay bixinta adeegyada dadweynaha.
Martin Wambora ayaa sheegay inay jiraan shirkado badan oo agab ku wareejiyay ama adeegyo u fidiyay ismaamullada oo aan weli lacagahooda la siin.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in haddii tallaabo degdeg ah la qaadin in badan oo barasaabyada ka mid ah ay xafiisyada banneyn doonaan iyagoo ka tagaya deymo badan.
Barasaabka ismaamulka Machakos Dr.Alfred Mutua ayaa su’aal geliyay sababta ilaa iyo hadda dowlad deegaannada aan loogu wareejin lacago loo qoondeeyay.
Farewell luncheon for 2nd term Governors organized by the COG to celebrate their contribution to devolution and development in the Country. The Council of Governors wishes them the very best in their next assignments, and we say Hongera for what they have achieved. pic.twitter.com/w7EB9E7Le8
— Council of Governors (@KenyaGovernors) July 8, 2022