Madaxda kaniisadaha bartamaha dalka oo wacyigelin sameyn doono

0
436

Madaxda kaniisadaha ismaamullada hoos tago gobolka bartamaha dalka ayaa sheegay inay ka go’an tahay in dadka ku xiran ay ku wacyigeliyaan qaadashada go’aamo sax ah oo siyaasadeed xilliga doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Xilli uu casuumay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayay baadariyaasha hoosta ka xarriiqeen inay faafin doonaan farriimo ku saabsan nabad, jaceyl iyo midnimo.
Mr. Kenyatta ayaa dhankiisa uga mahadceliyay dadaalkooda iyo sida ay garab u siinayaan.
Waxaa uu xusay in sanadihii uu hayay hoggaanka dalka in hoggaamiyaasha diimeed ay kaalin wayn ka qaateen horumarka uu maamulkiisa sameeyay.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku celceliyay muhiimadda ay leedahay in nabadda, midnimada iyo wada jirka lagu dadaalo xilligan oo 31 cisho ay naga xigto doorashada guud.
Waxaa uu arrin laga qoomamoodo ku tilmaamay in siyaasiyiinta qaar ay ku howlan yihiin sida uu hadalka u dhigay olole ku saleysan khiyaano , marin habaabin iyo kala qaybin shacab.
Hoggaamiyaha dalka ayaa shacabka ku boorriyay inay adeegsadaan xuquuqdooda dimuqraadiyadeed oo ay xilalka siyaasadeed u soo doortaan madax daacad ah oo ay dhiirigelin u tahay dhisidda dal awood leh oo mideysan.
Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay in maamulkiisa uu sameeyay horumarro ay ka mid yihiin dhisidda waddooyin iyo bixinta sabar loogooyin.
Sidoo kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay jiraan qoysas badan oo loo xiriiriyay korontada halka boqolkiiba boqol ee ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ay ku biireen dugsiyada sare.
Mr. Kenyatta ayaa soo hadal qaaday isbitaallo maamulka ay dowladda dhexe u xilsaartay bixinta qaar ka mid ah adeegyada bulshada ee caasimadda wadanka ee NMS uu ka hirgeliyay ismaamulka Nairobi.