In ka badan 15 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay waddada Mombasa-Nairobi

0
376

Waxaa la xaqiijiyay inay 15 qof ku dhinteen shil ka dhacay waddada wayn ee u dhexeysa ismaamullada Nairobi iyo Mombasa gaar ahaan aagga u dhexeya Taru iyo Samburu.
Shilka ayaa u dhexeyay nooca gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano Mataatuuda iyo mid ka mid ah baabuurta xamuulka.
Waxaa dhacdadan iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay xaqiijiyay taliyaha ciidamada taraafikada ee gobolka xeebta Peter Maina.
Waxaa uu sheegay shilka ay dhaawacyo culus ka soo gaareen 6 qof oo kale.