Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa markii ugu horreysay ka hadlay arrin maalmihii la soo dhaafay la hadal hayay.
Dhawaan ayay ahayd markii uu soo shaac baxay codka madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo sheegaya inuu sanadkii 2017-kii ku sigtay inuu dharbaaxo madaxweynaha maadaama uu u muuqday mid niyad jabay ka dib markii maxkamadda ugu sarreysa wadanka ay burisay natiijadii doorashadii guud.
Ruto ayaa xusay inuu aad ugu dadaalay in Uhuru uunan marnaba is dhiibin si Raila uu tartanka ugu soo baxo.
Hasa ahaate madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in haddii uu William Ruto dharbaaxi lahaa uu dhabanka kale u dhiiban lahaa.




